

This article is more than 1 year old
Garowsiga Wadanka oo Af-Somali ah
SBS waxay u garowsan tahay in dadka Aboriginalka ah iyo Torres Strait Islanderka ay yihiin dadka dhaqan ahaan u leh dalkan, xiriirka ay la leeyihiin dhulka, cirka, badda iyo bulshaduna yahay mid waara oo sii socda.
Published 3 July 2023 8:01am
Source: SBS
Image: - (Julia Esteve/Getty Images)
Acknowledgement of Country ama Garowsiga Wadanka waxaa caadiyan la aqriyaa ka hor inta aan la bilaabin ama aan dadka lagu soo dhawayn xafladaha dadweynaha iyo kuwa gaarka ahba, sida qudbooyinka iyo shirarka.
Waan dariiq lagu garowsanayo dadkii dhaqan ahaan u lahaa dalka markaas xafladu ka dhacayso.
Barnaamujyada ka baxa SBS SBS waxaa lagu bilaabaa Garowsiga Wadanka oo lagu jeediyo hadba luqada barnaamujkaas uu ku baxayo.
Waxaan taas u samaynaa si aan u garowsano xiriirka dadka Aboriginalka iyo Torres Strait Islanderku lala leeyihiin wadanka, xushmadna loogu muujiyo duqaydoodii hore iyo kuwa hadda jooga.
Sidoo kale waa qaab lagu qiro in Australia ay tahay dal aan qaranimadiisii waligiis la dhiibin ama la bixin oo lool jeedo in dadka dalka loogu yimid aysan aaminsanayn raalina ka ahayn in xoriyadoodii la qaatay.
Ma jiraan erayo u gaar ah Garowsiga Wadanka, qofkastana wuu jeedin karaa garowsigaas.
A Welcome to Country ama ku soo dhawaynta dalka waxaa jeedin kara Dadka wadanka dhaqan ahaan u leh ama dadka Aboriginalka iyo Torres Strait Islanderka oo fasax ka haysta dadka dhaqan ahaan inay dadka booqanaya ku soo dhaweeyaan dalkooda.
Waa kan tusaale ka mid ah Garowsiga Dalka;
Waxaan jeclaan lahayn inaan garowsano dadkii dhaqan ahaan u lahaa dhulka, cirka iyo biyo mareenada, aana xushmayno duqaydoodii- hore iyo kuwa hadda jooga. Waxaan xushmaynaynaa dhaqanka sii socda ee dunida ugu da'da wayn.
LISTEN TO

Acknowledgement of Country in Somali
00:24
Learn more about the Acknowledgement of Country

How to Acknowledge Country in a meaningful way
Share